Dal kasta oo caalamka ka jira wuxuu leeyahay Caasimad loo yaqaano oo lagu aqoonsado waxaana ka horreeya caasimad walba inta aanay dhalan ama sameysmin wada tasho ka talo bixin iyadoo loo saaro guddi deegaan yaqaan ah oo khubaro ah oo soo war bixiya waxayaabaha lagu doortay ee ay ku noqneyso magaalo madxa.
Qodobada lagu xusho meel in ay caasimad noqoto waxaa ku jira: dalka Meesha ay kaga taallo muhiiimadda ay leedahay, degaan ahaan iyo halkaasi waxa ay caanka ku tahay haddii ay tahay ganacsi, muhiimadda isku xirka magaalooyinka kale, dekedaha , garoomada diyaaradaha iyo sidoo kale in ay noqon karto goob dhexe oo dalka laga hoggaamin karo.
Inta badan xukuumadaha ayaa deggan caasimadaha , sidoo kalena waxay fadhi u tahay baarlamaanada iyo wasaaradaha waxaana loo bixiyaa caasimaddii dalkaa caalamkuna sidaa ayuu ku qaataa.
Caasimadaha inta badan waxaa deggan safaaradaha dawladaha shisheeye caalamkuna wuu qiimeeyaa wayna aqoonsataa waxaana laga abaabulaa dhammaan qorsheyaasha dalkaas uu leeyahay .
Caasimadda lagama dhigi karo meel kasta waxayse leedahay miisaan siyaasadeed, muuqaal iyo astaan adduunku dalkaa ku yaqaano ayey noqotaa .
Dalalka intooda badan waxay ku faanaan caasimadahooda waana xudunta dal walba waxayna dalkaas ku xirtaa caalamka intiisa kale laakiin soomaalidu sidaas maaha oo caasimadda waxay u heystaan magaalo ka mid ah magaalooyinka .
Sidaa darteed waxaa habboon in caasimaddu yeelato sharci gaar ah si ay dadku u fahmaan in ay tahay magaalo u dhaxeysa dadka soomaaliyeed .
Soomaalida haddii ay dagaalantay magaalooyinka ma dagaallamin waana in la isla gartaan waxa la isla leeyahay iyo waxa kale.
Caasimddu qof walba wuu degi karaa waana ka shaqeysan karaa Meesha uu doonana qofku wuu kaga ganacsan karaa si la mid ah magaalooyinka kale.
W/Q: Abwaan Gabayre