Duullaanku ma aha mid hubeysan oo keliya ee wuu badan yahay qaabka loola duulo cadowga iyo sokeeyahaba laakiin, tani waxay jawaab ka bixineysaa markaad cadowgaada la duusho calaamadaha dambe ee kuu soo bixi doona .
Marka aad cadowgaada la maleegto hagardaamo siyaasadeed oo aad ku lug guyneyso horumarka dalkaada iyo dadkaaga si aad ahna isugu dhabar jabiso adigoo daacad isaga dhigaya cadowgii aad la duuleysay halgankaagii hanti iyo maskax wixii kaa baxay ee aad ku garab istaagatay waxay dhammaantood soo baxayaan khasaare cadowgaaguna wuu ku ogyahay in aad tahay mid caado qaate ah oo aan dadnimo laheyn in aad tahay waayo wuxuu arkayaa sida doqonimada leh ee aad ula adeegeyso.
Dhan kastaba waxaa la garanayaa ama la ogyahay nin qiyaamay ciiddiisa iyo calankiisa, bulshada uu ka soo jeeday iyo dadkiisii in uusan laheyn wax dadnimo ah oo ku jirta .
Haddi aad tahay qof jira toosi afkaarta ummadaada iyo bulshada aad ka soo jeeddo deji oo horumar dhan walba ahna gaarsii laakiin haddii aad tahay qof aad u liita oo adeega cadowgiisa oo aad xambaarasan tahay wax bulshada lagu dhibaateeyo ama aad tahay mid daneyste ah oo huriya colaadaha dehxdooda ah dadka bar uun baa hari doona , biyo garay noqon maayaan waxaana aakhirka la soo bandhigi doonaa taariikhdaada xun.
Dhaxalka taariikhda aad reebeysa ma aha mid kaa farxineysa waxaana weliba dhibaato ah in aad adoo ben u sheegaya horumar ugu baaqdo dadka waxaana weliba qofkaas lagu yaqaanaa ku adeegashada qabyaaladda ,iska horkeenka iyo kala fogeynta bulshada dhexdeeda.
Qaabka tababarada kala duwan ee ay qaataan tabcaneyaasha shisheeye waa mid ku shaqeeya dano qaas ah oo uu u fuliyo shisheeyaha ah cadowga ummadda , wuxuuna luggooyaa dhallinyarada soo koreysa iyo dadka qeybo badan oo ka mid ah.
Markaad hdageysato bulshada dhexdeeda iyagoo koox koox ah ayey doodayaan baraha bulshada iyagoo halkaas shucaac iyo buuq ka fura , ammaan been ah iyo wax aan been aheyn kuma qoraan.
Sidaan ognahay dadka soomaalidu waa isku dan ,waa diin , waa isku dal laakiin maandooriyaha qabyaaladda ayaa kolba lagu daraa biyaha ay cabbayaan waxaadna subax walba u imaaneysaa suuqyada ay la fadhiyaan qabyaalad oo ah tan ugu qatarsan maandooriyeyaasha.
Waxay qaxwo iyo sheeko dheer ku bixiyaan kala aarsi iyo taariikho been iyo taageero ay hayaan midka u shaqeeya cadowga naftooda iyo maalkooda.
Soomaalida ayaa ku mahmahda geed baa yiri godinyahay ima goyseene gabalkey baa kugu daaban, soomaaliduna maanta haddaan gabalkeed u shaqeyneyn cadowga meel fiican bay gaari laheyn laakiin in badan baa u shaqeeya cadowgeeda taasna dhaxalkeedu waa ciil iyo ceeb.
W/Q: Abwaan Gabayre