CADOWGA GUDUHA MUXUU KAGA DUWAN YAHAY KAN DIBADDA?

Cadowga dibaddu waa mid kaa soo weerara cir, bad iyo dhul oo aad wadaagtaan waxaana idinka dhexeeya xafiiltan ku saabsan xaduudaha waana mid u baahan in isha lagu hayo si aan loo soo gelin dhulka aad sharciga u leedahay.

waana mid adduunkoo dhan ay isku tixgeliyaan waxayna dowlad kasta xaq u leedahay in ay iska difaacdo cadow kasta oo soo damaaciya geyigeeda kaasna waxaa la yiraahdaa cadowga dibadda laakiin cadowga gudaha waa mid laga abuuray siyaadda dibadda ka dhashay gudaha dalka wuxuuna ka Qatar badan yahay cadowga xudduudaha ka yimaada boqolkiiba   boqol.

waxayna dhibaateeyaan abniga iyo ganacsiga iyo wax kastoo ku saabsan nolosha iyo guud ahaan  arrimaha bulshada dhibaatooyinka cadowga  arrimaha gudaha ma ahan kuwo sahal lagu xallinkaro waxayna u baahan yihiin tashi adag iyo tabaabushe dheer iyo diyaar garoow qaabka wax looga qaban lahaa arrimaha murugsan ee ka jira gudaha dalkaaga kaddib markii lagu dayo wada hadallo iyo heshiis loogana quusto talo iyo walaalnimo.

waxaa furan in laga qaato aragti mideysan mar haddii aysan ummaddooda wax wax dan ah u hayn dhibaatooyinka cadowga gudaha waxaa gabaabsi noqonaya ama istaagaya hurumarka dalka oo dhan sida wax soosaarka dalagga beeraha iyo xoolaha la dhaqdo  waxa kale oo istaagaya wax barashada safarrada iyo dib u dhiska dalka waxaa buraya waddooyinka iyo is dhexmarka bulshada  iyo iskaashiga iyo wax wada qabsiga.

Sidaas awadeed cadowga gudahu wuu ka halis badan yahay cadowga dibadda waayo wuxuu qayabiyaa bulshada ay kasoo jeedaan waxayna abuuraan kala qax iyo dagaallo gudaha ka dhaca ummadda isku danta ah oo aan sinaba u kala maarmin halkaasna waxaa ka dhaca in lawaayo noloshii bulshada oo isku tiirsanayd.

waayo nolosha bulshadu waa mid isku aan sinaba u kala maarmin marka  la eego safarrada iyo ganacsiga waaweyn  arrimaha daaqa iyo guuraaga haddaba soomaaliya waxaa haysatay muddo colaad laga abuuray dibadda oo loogu keenay diyaaradaha iyo maraakiibta taasoo burburisay noloshii dadka soomaliyeed una diiday in la dhiso qaran awood leh haddaba marka la is barbardhigo colaadda iyo midda gudaha waxa aad iyo aad u dhibaato badan colaadda laga abuuro gudaha dalka waayo tan dibadda dadkaagu isku meel ayey wax ka arkayaan wayna sahalan tahay sida ay isaga caabbiyaan dadkaagu laakiin markii middidu calool ku tagto qatarteeda ayey leedahay.

waxaana sahlan sda lagaaga ka xeysto bulshada inta wax magaratada ah lookala jaro ururro iyo kooxo mid mid uu  taageersan yahay waxaan dhaceysa in wiil iyo aabbehiis in ay dagaal isaga hor yimaadaan ayagoo feker kala duwan ay xambaarsan yihiin laakiin dagaalka dibaddu waa ka duwan yahay sidaas oo waa mid caalamka iyo dowladaha aad xuduudda wadaagtaan ee kugu mersan xagga badda cirka iyo dhulka wuxuuna leeyahay qaab la isaga difaaco.

wuxuuna leeyahay xudduudo la aqoonsan yahay oo ciddii kusoo xedgudubta gardarrada la saarayo waxaana sharci ah in ummaddaasi lasoo weeraray Iska difaacdo cadowga gardarada kusoo doontay ayagoo waxba kala harin waana mid ay xaq u leeyihiin  ummad kasta oo adduunka ku nool in ay iska difaacaan cadowga gudaha iyo kan  dibadda.

intaba waayo xornimada adduunka lagu raaxeysanayo laguma soo helin baryo iyo dawarsi amase walaaloow waxayga ii daa ee dad waddaniyiin ah ayaa nafta iyo maalka u huray sidaas awadeed waxaa wanaagsan in aad dib u fiiriso halgankii aysoo mareen geesiyaashi S Y L sidii ay cadowga gudaha iyo kan dibaddaba ay  libta guushaba uga keenen.

cadowga guduhu wuxuu in badan ka Qatar badan yahay cadowga dibadda midka  waxaana looga adkaankaraa midnimo iyo iskaashi iyo walaalnimo si ay gudbaan isagana  celiyaan coladda lasoo xawilay oo mudada dheer ay la daalaa dhaceyso ummadda muslinka ah ee soomaaliyeed wuxuuna abwaankii dhashaadeysugtaa ceebti aad dhowrataa abide,

WQ: Abwaan Gabayre