Cadaala “Gurigoodu waa godkaas, Ceelkoodu waa bacdaas, cuntadana ka sii daran” (WARBIXIN)

Wali waxaa socda abaabul ciidan ee ka kala socda Degmooyinka uu ka kooba yahay Maamul-goboleedka Galmudug ayay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa Hub iyo Ciidan lagu soo bandhigtay oo ay kaga qeyb qaadanayaan Dagaalada Ururka Argagixisada ah looga Xoreynayo Galmudug, masuuliyiin ka hadlay munaasabaddaasi  ayaa sheegtay in Dagaaladii Alshabaab Looga hor istaagay  gobolada dhexe ay hormuud u ahaayeen ayna kaga dhinteen in ka badan Dad badan deegaanno ka tirsan Gobolka Galguduud, kuwaasi oo dagaallo la galay Kooxda Khawaarijta ah, waxayna xuseen  in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan Soo afjarida Ururka Argagixisada ah.

Dadka ku dhaqan Deegaanada Degmada Caabudwaaq ayaa Dowlada Soomaaliya ku taageertay sida ay uga go’antahay ciribtirka ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab, waxayna intaasi raaciyeen in Bulshada Soomaaliyeed oo fahamay dhagaraha ay khawaarijtu uga been sheegi jirtay ayaa hadda go’aansaday in qeyb weyn ay ka qataan howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta, kaasi oo ka socdo deegaanno ka tirsan  Galmudug iyo Hirshabeelle.

Masuliyiintii la hadashay Mujaahidiinta banaanka u yimid inay naftooda iyo maalkooda u huraan xoraynta dalka ayaa sheegay  in bulshada Degmada Cabudwaaq lagu yaqaano sida ay diyaarka ugu tahay  jabinta khawaarijta, waxaa kaloo jira in Magaalada Cabudwaaq ay wali ka socdaan Abaabul Ciidan oo looga qeyb qaadanaayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

“Halkaani waa Godadkii Khawaarijta ee hawdka oo ay cagta mariyeen Geeesiyaasha Qaranku. waa dhul balaaran oo ku yaalla xadka Shabeelaha dhexe iyo Galguduud oo ahaa dhulkii ay filaysay Khawaarijtu in ay muddo isku difaaci karto, balse waxaa maalmo kooban cagta mariyay geesiyaasha Qaranka”, sidaasi waxaa tilmaamay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusf Cadaala.

Wasiir ku xigeenka oo tilmaamaya duruufta ay ku nool yihiin Kooxda Khawaarijta ah ayaa sii raaciyay, “Sida ka muuqata sawiradaan Khawaarijta waxaan uga culays yareyn Xabbadda Ciidanka Qaranka Duruufaha nololeed ee cabsidu u gaysay. Gurigoodu waa godkaas, Ceelkoodu waa bacdaas wasaqoowday Cuntaduna waa kasii xuntahay.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cadaala ayaa intaasi ku dareay in  Khawaarijtu ay soo dhamaadeen maalmihii lagu dul noolaa Dadka Soomaliyeed,  ayna wajahayaan natiijada xumaantii ay geysateen, waxaa kaloo uu isweydiiyay “Ninka Hooygiisu halkaas ahaa ee hadana  iyada ka sii qaxay halkee hadda Hooy u  noqon karta ayaad filaysaa ?”.

Mid ka mid ah Maleeshiyadii halkaan lagu qabtay ayaa sheegay in Godkaan uu ahaa Hooyga Horjoogahooda taas oo micnaheedu yahay kuwa kale Nolol tan ka hoosaysa ayay ku noolaayeen!, marka Miyi iyo Magaalo midna idinma qariso insha allaah . “Alle iyo Umaddiisaba waad ku caasiseen waana in aad dhadhamisaan mirihii aad beerateen. Daad iyo dabaylo is wata ayaa dhinac kasta idinkaga soo rogmaday waanad ku hafanaysaan insha allaah”, ayuu Wasiir ku xigeenku ku soo qoray Bartiisa Bulshada,

Dhinaca kale Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB, GORGOR & Guutooyinka cusub ee dhowaan la geeyay Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug oo kaashanaya Dadka deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaan ayaa billaabay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku wajahayaan deegaannada ay ku sugan yihiin kooxda KLhawaarijta ah ee  Al-Shabaab.Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay ku sii siqayaan deegaannada bartilmaameedka u ah ciidamadaan iskaashanaya.

Howlgallada ka socda Gobolka Galgaduud waxaa barbar socda howlgallo kale oo ka billowday Deegaannada dhaca xadka uu gobolkaasi la wadaago Gobollada Shabeelaha Dhexe & Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, kaasi oo Ujeedka howlgallada is barbar socda ayay Saraakiisha ku tilmaameen mid looga hortagayo in kooxda Khawaarijta ah  Al-Shabaab iyo Madaxdooda ay isaga kala gudbaan deegaannadaan dhaca Soohdinta Gobolka Galgaduud uu la wadaago Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Jiidda hore ee Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa sheegaya in  Ciidanka xoogga Dalka gaar ahaan Guutada Khaalid Binu waliid  ay burburiyeen fariisimo dhulka Miyiga ah ay  ku lahayeen Khawaarijta Naf la caariga ah,

Taliyaha Guutada Khaalid Binu Waliid Maxamed Dhagaweeyne oo hoggaaminyay howlgalkaasi sifeynta ah ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in dhulka howdka ah ee hoostaga Dagmooyinka Run-nirgood iyo Galcad  ay ku burburiyeen fariisimaha Khawaarijta ay ku lahaayeen Deegaannadaasi, wuxuuna taliyuhu intaas ku daray inay sii wadi doonaan baacsiga khawaarijta ilaa inta laga xoreynayo deegaannada ay hadda ku dhuumaaleysanayaan ee ku yaala gobolka galgaduud.