CABSIDA ALLE AYAA IF IYO AAKHIRABA LAGU BADBAADAA (QEYBTA 1-AAD)

Allaah ka cabsigu waa darajo aad u sareysa oo aanu gaari karin qofka ku dheehan xumaanta kana fog wanaaga, sidaa daraadeed, Ruuxa Muslimka ahi waa inuu laazimaa oo uu ku toosnaadaa inta uu kari karo wixii uu Alle sw faray, kana fogaada wuxuu ka reebay, Alle ka cabsiguna waa midaas ee ma ahan inaad waxaad rabto oo xumaan ah sameyso wixii Allah ku amrayna aad ka tagto hadana aad tiraahdo Alle ayan ka baqayaa.
Hadduu qofku ogaado sharafta taqwada iyo heerka ay gaarsiisan tahay waxa la gudboon inuu is weydiiyo, sidee ban ku gaari karaa darajada taqwada? Imaam Al-Qazali oo ah Imaamka tarbiyadda Quluubta.
Arrinkaasi waxa uga jawaabay oo uu yiri: Waxa uu ku jiraa wanaaga Naftu inaad isu taagto una diiddo macsiyo kasta, kana ilaaliso waxaan faa’iido ugu jirin haddaad sidaa sameyso Allaah waad ka cabsatay, Ishaada, dhegtaada, carabkaaga, qalbigaaga, calooshaada, xubintaada taranka, iyo xubnahaaga kaleba waad dhawrtey waxaadna ku xakameysey taqwada alle.
Sidaa awgeed, baabkanu waa mid dheer sharaxiisu, waxaana lagama maarmaan ah Ninkii doonaya inuu Allaah ka cabsado ha dhawro xubnahan shanta ah oo ah seeskiisa, waana ( Isha, dhegaha, carabka, qalbiga iyo caloosha) Haddii la ilaaliyo xubnahan waxa xaqiiqo ah in intooda kalena toosayaan, ruuxii intaa sameeya wuxuu gudanayaa taqwada iyo Allaah ka cabsiga dhammaantii. (Manhajka caabudayaasha ee Sheekh Qasaali/ 76-77.)
Hadalkan Sheekha Qasaali (R.C) waxa ka imaneysa su’aal kale oo oraneysa; sidaan xubnahaygan shanta ah uga dhawraa macsiyada “Danbiga”uguna hogaamiyaa daacada Allaah?.
Mawduuca dhuuxiisu waa halkan oo ah xubnahan qofka siduu u hoggaamin lahaa oo haddey hagaagaan uu qofka gaari karo liibaantiisa ifkan iyo aakhiraba, kuwaas oo ka kooban shantaasi xubnood, waana kuwaa xukuma xubnaha qofka intooda kale, waxaynu si kooban ugaga jawaabi doonnaa shan qodob oo Ruuxii raacaa uu kaga magan galayo xubnahan sharkooda, khayrkoodana helayo, cibaadadoodana gudanayo;-
1- Inuu qofku ilaahay jeclaado.
2- Inuu qofku qalbigiisa dareensiiyo inuu allaah daalacanayo kana xishoodo Alle xishood dhab ah.
3- Inuu ogaado ama is dareensiiyo dhibaatada ay leedahay macaasidu iyo danbigu.
4- Inuu barto iskuna dayo siduu qofku hawadiisa uga xoog badin lahaa, naftiisana uga guulaysan lahaa.
5- iyo inaad ogaatid meelaha shaydaanku inaga soo galayo, sidoo kalana ka digtoonaatid tashwiishkiisa.
LA SOCO QEYBTA 2-AAD
WD: Ibraahim Warsame Xuseen