Cabdisamad Macallin Maxamuud oo mar kale ku guulaystay kursiga xildhibaannimo ee Golaha Shacabka.

Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa ku soo baxay doorashada kursiga tirsigiisu yahay 139 ee Golaha Shacabka oo saaka lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ka dib markii ay tartanka isaga baxday Xamdi Cali Shire oo aheyd murashaxa labaad ee kursigan u rashaxneyd.

101 ergay oo dooranaysay kursiga HoP139 ayaa hab gacan taag ah ugu codeeyay Cabdisamad, sida uu shaaciyay guddiga doorashada Galmudug.