Cabdiraxmaan Sahal” Argagixisada waa ay ku jabeen kacdoonka shacabka, umana babac dhigi karaan awoodda ciidanka,”.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab oo maalmihii dambe si xoogleh uga socday deegaanno ka tirsan gobolada dalka sida Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaasi oo laga gaaray guulo muhiim ah.

Siyaasi Cabdiraxmaan Sahal oo ah khabiir amni, lana hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in argagixisadu ay ku jabeen kacdoon shacabka una bareeri karin awooda shacabka iyo ciidanka geesiyaasha dalka.

Cabdiraxmaan Sahal ayaa si gaar ah u xusay doorka ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin ciribtirka guud ahaan dalka dhagarqabayaasha Al-Shabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay muuqato fursad dalka guud ahaan looga xoreyn karo nabad-diidka.

“Argagixisadda waa ay ku jabayaan Kacdoonka Shacabka, mana u bareeri karaan awoodda Shacabka iyo Ciidaanka Xoogga Dalka oo wada jira.” ayuu yiri Khabiir amni, Cabdiraxmaan Sahal.

Ciidanka xoogga dalka iyo shacabka is abaabulay ayuu ku booriyay in ay sii labo jibaaraan howlgallada guud ahaan gobolka looga ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Bulshada qeybaheeda kala duwan oo isugu jira Odoyaal dhaqan,dhalinyaro (rag iyo dumar) iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa ku heshiiyay in la iska dulqaado dhagarta kooxda argagixisada Al-Shabaab.