Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo bogaadiyay gargaarka ay dalka keentay dowladda Qadar

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Arrimaha bani-aadanimada iyo Gurmadka Abaaraha, Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa bogaadiyay gargaarka ay dawladda Qatar keentay dalka oo maanta la qaybiyey.

Ergayga, ayaa shalay ku baaqay in la fududeeyo haddii ay jiraan caqabado dowladda dhexdeeda ah ama shirkadaha maamula garoonka diyaaradaha iyo dekedda oo ku hor gudban deeqaha ka imaanaya dibadda.

Ergayga ayaa u mahad-celiyay, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye oo hawshaas gacan ka gaysatay.