Cabdikarim Xaaji Buux oo loo doortay xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ururka xoghayeyaasha Afrika

Shirkii xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannadda Afrika oo ka dhacay intii u dhexeysay 29-31 Ogoosto ee xarunta Baarlamaanka Afrika ee magalada Johannesburg ayaa waxaa xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux, loogu doortey xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ururka Xoghayeyaasha Afrika.

Xubin ka mid noqoshada golaha fulinta ee Baarlamaanka Afrika ayaa noqoneeysa markii ugu horeysey ee Soomaaliya Xilkaas loo doorto.