Cabdi Ibraahim Warsame oo loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

Cabdi Ibraahim Warsame ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#196 ee golaha shacabka Baarlamaanka Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Xildhibaan Cabdi ibraahim Warsame ayaa ku soo baxay 90-cod, halka Abshir Cabdi Xuseen oo la tartamayay uu helay 6-cod, sidoo kale waxaa halaabay 2-cod.

Shan kursi oo kamid ah Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto Caasimadda Dowlad gobaleedka Puntland ee Garoowe.