Cabdi Cismaan Xareed oo ku guuleystay doorashada Aqalka sare magaalada Dhuusamareeb

Cabdi Cismaan Xareed ayaa ku guuleystey tartanka doorashada Aqalka Sare ee kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug oo maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb.

Musharax Mahad Aadan Guuleed ayaa u tanaasulay senatarka cusub ee Cabdi Cismaan Xareed wuxuuna helay codad gaaraya 83-cod.

83-Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa goobjoog ahaa doorashadii maanta, waxayna dhammaantood cod ka taag ah ugu codeeyeen Senator Cabdi Cismaan Xareed.

Labadan kursi ee maanta ay ku soo baxeen Senator Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid iyo Senator Cabdi Cismaan Xareed ayaa guud ahaanba ugu dambeeyay 54-ka kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare, waxaana horay loo doortay 52 kursi, oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.