Caawa waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Prof. Maxamed Daahir Afrax. Marxuumka ayaa ahaa guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee dastuurka, sidoo kale waxuu ahaa guddoomiyihii akadeemiya goboleedka afka Soomaaliga, Waxuuna xubin ka ahaa Naadiga Qalin Maalka ee (Pen). Prof Afrax ayaa ahaa Qaraa caan ka ahaa geyiga Soomaalida iyo guud ahaan dunida, waxa uu na qoray buugaag kala duwan oo caan baxay sida, Buugga Guur-ku-sheeg oo uu qoray 1975, Buugga Nida Al-Horiyah oo uu qoray 1976, Buugga Maana-faay oo uu daabacay 1979 iyo Buugga Galti-macruuf oo isna uu qoray 1980, sidoo waxa uu soo saaray buuggiisa Fan_masraxeedka soomaalida 1987. Prof ayaa ka mid ahaa Aqoon-yahanada Soomaalida ee Waxbarashadoodii aasaasiga ku qaatay Soomaaliya Barri-samaadkii, isagoo luuqado dhowr ah wax ku qori jiray.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga Marxuum Maxamed Daahir Afrax oo ku geeriyooday Magaalada London.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii muuqday ee uu Marxuumku ka soo qaatay u adeegidda Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan kobcinta afka iyo qoraalka. Marxuumka oo ahaa qoraa iyo bare sare oo aad loogu yaqaanno Cilmiga Afafka ayaa soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Xildhibaan Qaran iyo Wasiiru Dowlihii Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd, isaga oo hadda hayey xilalka kala ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddoomiyaha Akadeemiyad Goboleedka AfSoomaaliga ee AGA.

“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Daahir Afrax oo ahaa qoraa kaalin weyn ka soo qaatay horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo Ummadda uga tagay dhiganeyaal dhaxal reeb ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.