Caalamka oo caro ka muujiyay 40 ruux oo lagu dilay dugsi ku yaalla Gaza

Militariga Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo dilay 40 kale oo Falastiiniyiin ah ,xilli ay sii kordhayaan cambaareyn caalamiga ah oo ku aadan weerarada Israel ee Gaza.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku celiyay dalabkiisa ku aaddanaa xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza ka dib duqeyn ka dhacday iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay.

Xoghayaha ayaa yiri” rabshadaha argagaxa leh ee ka socda deegaanka Falastiin waa in la joojiyo”,iyadoo dadka ay soo gaareen waxyeelada ay ku jiraan lix shaqaale gargaar ah.

Qiyaastii 25 boqolkiiba dadka ku dhaawacmay dagaalka Israa’iil ee Gaza ugu yaraan 22,500 falastiiniyiin ah waxay qabaan dhaawacyo beddelay noloshooda, sida ay sheegtay Ururka Caafimaadka Adduunka.

Ugu yaraan 41,118 qof ayaa lagu dilay Gaza,halka 95,125 lagu  dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo sanadkii tagay .