C/Laahi Xayir” Dalxiiska haddii uu kordho waxaa kordhaya fursadaha shaqo ee ay heli karaan bulshada”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay qodobbo muhiim ah oo la xiriiriay fursadaha dalxiiska ee ka jira dalka iyo kaalinta ay ka ciyaari karaan horumarka dalka .

Agaasimaha Guud ayaa xusay in ay dhowaan soo bandhigeen fursado ku aadan dalxiiska dalka iyo sida looga qeybqaadan karo taabagalinta mashruucyo kuwa dalxiiska ah oo laga hirgaliyo degmooyinka dalka iyo caasimadda Soomaaliya.

Agaasimaha guud ayaa yiri” Dalkeenna waxa uu leeyahay goobo caan ah oo ku wanaagsan dalxiiska,sidaa daraadeed haddii aan kordhinno dalxiiska waxaa kordhaya dhaqaalaha dalka iyo fursadaha shaqo ee ay heli karaan umadda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale waxa uu gabagabadii qiray in  dalxiisku uu yahay furaha ana albaabka maalgashiga,sidaa aawadeedna waxa uu ku taliyay in la sameeyo gobo dalxiis oo ay ku jiraan dhismooyin waaweyn oo hoteello ah,beero kuwa xayawaanaadka ah iyo xaafado ilqabad leh oo ku tetsan xeebaha badda.