Muqdisho (Wargeyska Dalka): Kumanaan Shacab ah ayaa Maanta Banaanbax garab istaag ah ugu sameeyey Stadium Muqdisho Garsoore Sare Cumar Cabdulqaadir Cartan oo ka mid ahaa Garsoorayaasha Xiriirka Caalamiga ah ee FIFA u xushay inuu qayb ka noqdo Garsoorayaasha Koobka Adduunka 2026, balse laga soo celiyay Dalka Maraykanka.
Garsoore Cumar Cartan oo Maanta Magaalada Muqdisho ay ku soo dhaweeyeen Madax ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Bulshadu ku maamuustay Banaanbaxan oo lagu muujinayo sida Bulshada Soomaaliyeed ula dareen tahay una garab taagan tahay.
Dhinaca kale Bulshada Soomaaliyeed ee Dalka iyo dibadba ku nool ayaa iyaguna ka falceliyey soo celinta Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan.


