Bulshada Bariga Afrika oo markale xaqiijisay Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliya

Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa mar kale caddeysay aqoonsigeeda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay tahay hal dowlad oo madax-bannaan, kana hoos shaqeysa awoodda iyo xukunka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ay soo saartay EAC ayaa lagu sheegay in ururku la jaanqaadayo mowqifka Midowga Afrika, sida ku xusan Axdiga Aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo go’aannada khuseeya madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Bulshada Bariga Afrika waxay carrabka ku adkaysay in aqoonsigeeda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu waafaqsan yahay Heshiiska Aasaaska Bulshada Bariga Afrika, iyadoo Soomaaliya loo aqoonsanayo xuduudaheeda rasmiga ah ee ay dhaxashay xilligii ay xornimada qaadatay.

Ugu dambayn, EAC waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay ixtiraamaan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay ku dhaqmaan xeerarka sharciga ah ee heer gobol iyo heer caalami ee la xiriira madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha.