Britain oo Ruushka ugu hanjabtay cunaqabateeyn

Union Jack flag flies above a Unionist mural in Larne, Northern Ireland December 30, 2020. Picture taken December 30,2020. REUTERS/Phil Noble

Ka dib markii Ruushku uu xadka Ukraine ka bilaabay dhoolatus milatari, ayuu Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ugu hanjabay Moscow cunaqabatayn aan hore loo arag haddu arrinkaas ka baaqsan waayo.

Boris Johnson ayaa intaa ku daray in dalkiisu uu Isha ku hayo dhammaan Talabooyinka daan daansiga ah ee uu waddo Ruushka, taana ay keeni doonto in cunaqabatayn dhaqaale lagu soo rogo Xukuumadda Ruushka.

Ra’iisul wasaaraha Britain ayaa sidoo kale caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu mar kale la hadlo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, si uu ugu digo daandaansiga ka dhanka ah Ukraine