Boris Johnson oo soo wajahday fadeexad uu xilka ku weyn karo

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa culeyskii ugu xoogaanaa ee siyaasdiisa kala kulmaya fadeexadda ka dhalatay inuu jabiyay shuruucdii xayiraada COVID-19 kadib markii uu ka qeyb galay xaflad caweyn ah oo ka dhacday beer ku taala xafiiskiisa.

Boris Johnson ayaa sidan sameeyey xilli dalka intiisa kale la geliyey xayiraad la xiriirta COVID-19 oo looga ilaaliyey shacabka inay isku tagaan, taasi oo ka careysiisay shacabka kuwaas oo hadda dalbanaya inuu xilk ka dego.

 

Xuquuqda VOA