Boqorka waddanka Netherland William Alexander ayaa qasrigiisa Magaalada The Heeg ku qaabilay Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi oo loo magacaabay Midowga Yurub & waddamada la isku yiraa Benelux .
Danjire Yoonis oo la hadlay munaasabaddii soo dhoweynta kadib ayaa sheegay in ,isaga iyo boqor Wilyam ay muddo 25 daqiiqo ah ay wada qaateen wadahadal muhiim ah oo ku saabsanaa xaaladda Dalka Soomaaliya iyo sida xilligaan ay lama huraanka u tahay gacansdiinta dadka Soomaaliyeed.
Danjiruhu,wuxuuna intaasi ku daray inuu boqorka gaarsiiyay salaan uu kaga siday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo], isna uu ka soo qaaday salaan taas la mid ah oo ku socotay Madaxweyne Farmaajo.
“Wixii maanta ka dhacay fagaaraha boqortooyada De Heeg waxay marqaati ka tahay jihada toosan ee ay ku socoto dowladnimada Soomaaliya oo haatan soo kabaneysa” Ayuu yiri Danjire Yoonis.
Munaasabadan oo aheyd mid si qurux badan loo soo agaasimay, waxaa cutubyo ka tirsan ciidamada halkaasi , ay ku soo ban dhigeen ama ku garaaceen muusikada astaanta u ah Qaranka Soomaaliya