Boqolaal ruux oo ku dhintay dhulgariir ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya

ilaa 284 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Dalka Turkiga,islamarkaana ay ku dhaawacmeyn in ka badan 2300 halka sidoo kale 200 oo qof ay ku dhinteen Dalka Suuriya,kadib kolkii Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 7.8 uu dumiyay dhismayaal badan oo ku yaalla koonfur bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in “kooxaha raadinta iyo samatabbixinta ay isla markiiba u direen” goobihii uu dhulgariirku ku dhuftay.

Wasaaradda caafimaadka Suuriya ayaa sheegtay in in Ilaa 237 qof ay dhimatay, 639 kalena ay ku dhaawacmeen dhulgariirkii xoogganaa ee ka dhacay dalka Suuriya, sida uu telefishinka qaranka u sheegay kaaliyaha wasiirka caafimaadka Axmed Dhamiriyeh.

Dhanka Waqooyi-galbeed ee Suuriya oo ay gacanta ku hayaan kooxaha difaaca madaniga , ayaa la soo sheegayaa in xaaladda gobolkaasi ay tahay mid Qatar ah, dadkuna ay ku hoos jiraan burburka dhismooyinku dumay.