Booliska Ukraine oo soo bandhigay tirada dhimashada iyo dad nolosha lagu la’yahay

Booliska dalka Ukraine ayaa shaaciyey in la xaqiijiyey geerida 7 qof oo lagu dilay duqeymaha Ruushka, saraakiisha booliska ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka ugu weyn uu ka dhacay saldhig militeri oo ku yaalla duleedka magaalada Odessea, halkaas oo lagu dilay 6 askari, tiro intaasi ka badana waa ku dhaawacmeen, qof kale ayaa lagu dilay magaalada Mariupol.
Shacabka Ukraine ee ku nool magaalooyinka muhiimka ah ee dalkaas ayaa bilaabay inay guryahooda isaga cararaan. Sidoo kale warbixinta booliska waxaa lagu sheegay in 19 qof lagu waayey nolol iyo geeri toona.