Booliska Soomaaliyeed oo soo xiray Koox rabshado ka waday Dagmada Daarusalaam

Ciidanka Booliska Soomaliyeed, ayaa degmada Daarusalaam ee Gobalka Banaadir ka soo qabtay koox la sheegay inay fowdo ka wadeen degmadaas, kuwaas oo gaaraya 15 qof oo iskugu jira Rag iyo Dumar, dadkaan ayaa ku eedeysan inay soo abaabuleen Banaanbaxyo rabshado dhaliyey wato oo khasaare dhalliyay.

Booliska oo soo bandhigay Sawirada dadka lasoo qabtay, ayaa sheegay in la horgey doono Maxkamadda, iyadoo mar kale looga digay shacabka ku nool Caasimadda inay ka fogaadaan wax kasta oo amniga liddi ku ah.

Habeen ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale loo soo bandhigay sawirrada dhallinyaro Gabdho u badan oo kicin dadweyne ka bilaabay barta TikTok, kuwaas oo dhammaantood xabsiga loo taxaabay.