Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta qabtay koonteenar ay ku jiraan waxyaabaha maanka dooriya oo loosoo ekeysiiyay dawo.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdi Fitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlayay gudaha Dekedda Muqdisho ayaa sheegay in ay heleen sirdoon, taas oo u fududeysay in ay qabtaan maandooriyahan.
Mareeyaha Dakedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo) ayaa isna sheegay in ay gacanta ku hayaan ganacsatadii ka danbeysay in uu konteenarka maandooriyaha ah uu kasoo dego Dakedda Muqdisho.
Maareeyaha Dekedda iyo Afhayeenka Booliska ayaa si wada jir ah digniin ugu diray dadka ku howlan in dalka ay soo galiyaan daawooyin iyo raashin dhacay.