Booliska oo gacanta kusoo dhigay eedeysanayaal dhac ka geysanayay degmada Dharkenley

-Ciidanka Booliska saldhigga degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa soo xiray saddex nin oo hubeysan iyo Mooto Bajaaj ay wateen xilli dhac u geysanayeen dadka shacabka ah.

Raggan ayaa ku eedeysan in ay dhac u geysteen muwaaddin ku nool degamda Dharkenley ayaa waxaa falka ay geysanayeen Booliska la wadaagay shacabka halkaasi ku dhaqan, taas oo fududeysay in gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaasha.

Waxaa maalmahan soo badanaya howlgallada guuleysta ee lagu xaqiijinayo ammaanka Caasimadda kadib markii ay shacabka kordhiyeen wada shaqaynta kala dhaxaysa laamaha ammaanka gobolka Banaadir.