Booliska Hirshabeelle oo wada howlgal ka dhan ah maan-dooriyaha

Saraakiisha Ciidamada ammaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay howlgalada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle, waxaana ay sheegeen in howlgaladani ay yihiin kuwo lagu beegsanayo dadka falalka ammaan-darro ka wada magaalada iyo kuwa maan-dooriyaha isticmaala ama ka ganacsada.

Taliyaha Ciidammada Booliska magaalada Jowhar Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka ay fahmeen khatarta ka dhalan karta isticmaalka maandooriyaha,islamarkaana ciidamada amniga ay ku garab taagan yihiin sidii loola dagaalami lahaa kooxahaas.

Wuxuu taliyahu sheegay in ay ciidammadu baari doonaan goob iyo guri walba oo ku yaalla magaalada, si loo xaqiijiyo amniga, waxayna ciidamada Booliska magaalada Jowhar goob fagaaro ah ku gubeen mukhaadaraad gaaraya 382-kiilo oo ay ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada.