Booliska Gobolka Banaadir oo sameeyay howlagallo lagu sugayay amniga.

Taliska qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa sacadihii lasoo dhaafay fuliyey howlgallo lagu sugayo amniga oo dad badani lagu soo qabqabtay.

Taliyaha qeybta Galbeed Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganeey) oo fagaare kula hadlay dadkii lagu soo qabtay howlgalka ayaa sheegay inaan been lagu xaman ciidanka ammaanka balse lala wadaago xogta ay hayaan.

Taliye Yaasiin oo la hadlayay dadkii lasoo qabtay ayaa sheegay in dhallinyarada wax dhacda ay bulshada kasoo dhex baxeen , cirkana kasoo dhicin balse ay weli u turayaan una caqli celinayaan.

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa in dhowaalaba ku guda jiray howlgallo ballaaran oo ka dhan ah dhallinyarada loo yaqaan Ciyaal weerada, kuwaas oo dhac iyo dilba u geysta dad shacabka ah.