Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay nin loo heysto dil iyo burcadnimo

Ciidanka Booliska Deegaanka Garasbaalley ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay nin loo haysto dil iyo Burcadnimo hubeysan, xilli dadka Shacabka ah ee deegaanku ay cabasho ka keeneen kooxo burcad ah oo dhac u geysta bulshada halkaasi ku nool.

Ninkan ayaa rasaas ku furay Ciidanka Amniga isagoo dilay qof shacab ah, laba kalana dhaawacay sida uu sheegay taliska Boliiska deegaanka Garasbaalley ee Gobolka Banaadir.

“Ciidanka ayaa nikaan ka qabtay waaxda 3-aad ee deegaanka Garasbaalley, xilli uu qof dumar ah ka qaatay teleefan, wuxuuna watay Qoriga loo yaqaan M-16” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Boliiska.