Booliiska Soomaaliya oo degmada Gubadley ku gubay Raashin dhacay

Hey’adda Tayo Dhowrka oo kaashanaysa Booliska iyo Xeer illaalinta Qaranka ayaa degmada Gubadley ku gubay Raashin dhacay.

Rashiinkaan oo gaarayay 2,000 kiish oo Bur dhacay ah kaa oo laga qabtay Dekadda Muqdisho,waxaana baaris kadib Hay’adda Taya dhowrku ay sheegtay in uu yahay mid dhacay.

Agaasimaha Kormeerka Hey’adda Tayo Dhowrka Maxamuud Cilmi oo goobta lagu gubay rashiinkan ka hadlay ayaa yiri”Ganacsatada Soomaaliyeed bulshada haka daayaan waxyaabaha dhacay ee noloshooda qatarta ku ah inay soo iibiyaan.

Xeer illaaliye Mustaf Cali Salaad ayaa ganacsatada soomaaliyeed kaga digay in aan dalka lasoo galin karin Rashiin dhacay baaritaana lagu sameynayo cid kasta oo ku lugyeelata soo galinta dalka Rashiinka Dhacay.

“Baaris ayaa ku socota cid kasta oo ku lug leh ka ganacsiga raashinka dhacay.”
Xeer illaaliye Mustaf Cali Salaad.