Boliiska Soomaaliya oo dhex galay beelihii ku dagaallamay Shabeellada dhexe

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa cutub ka mid ah Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed u diray deegaanno hoos taga degmada Cadale, halkaas oo ay dhawana ku dagaallameen beelo walaalo ah.

Ciidanka ayaa kala dhex galay malleeshiyo beeleedyo ku diriray deegaankaas hubka dhigisna ku sameeyay.

Sidoo kale, waxaa goobta gaaray cutub Ciidan ah oo ka tirsan hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).
Taliyaha Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto.

Cabdullaahi Mire, oo hor kacayay ciidankan ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadka ku dhaqan deegaannada lagu dagaallamay gaar ahaan Ceel-muluq, Xaaji-Cali, Laba-garas, Caddow-uul, Dayfo iyo Burto-Shiikh.

Taliyaha ayaa ammar dul dhigay Ciidanka , isagoo faray in aan la aqbali karin in wax hub ah lagu qaato deegaankaas dadkuna is dhex maraan, ciddii ku xadgudubta xabbad joojinta iyo dedaallada nabadeedna ay ciidamada amaanku u amran yihiin in ay gacan adag ku qabtaan lagana qaado talaabbo sharciga waafaqsan.