Boliiska degmada Yaqshiid oo gacanta ku dhigay laba ruux oo hubeysan

-Ciidammada Booliska degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo hubeysan, kuwaas oo taliska Booliiska sheegay in ay ahaayeen Burcad dadka dhacaysay.

Taliska Boliiska Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in raggaan la qabtay iyaga oo fal dambiyeed gacanta kula jira, isla markaana sharciga la horgeynayo

Ciidammada Booliska Gobolka Banaadir ayaa Muqdisho ka wada howlgallo lagu la dagaallamaya kooxaha argagixisada iyo burcadka, iyagoo sidoo kale xalay Saldhigga degmada Xamarweyne ku soo bandhigay laba dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab iyaga iyo hub ay wateen.