Bishan waxaa ku idil kheyr dhammaantii, waxay muslimiinta u leedahay macno gaara, waayo waxay xambaarsantay fadli dheeraad ah oo bilaha kale uga horreyso,
waa bil naxiriis, dambi dhaaf iyo naarta oo Alle SWT odoomadiisa soomay uga xoreynayo kulmisa sida suubanaha scw sheegay.
Bishan Soon-qaad kheyrkeeda waxaa ka mid ah in loogu magac daray bishii qur’aanka, taasoo macnaheedu tahay in Qur’aanka la soo dejiyay bil Ramadaan, sida ku cad aayad qur’aan ah.
Waa bil uu Alaah SWT furo albaabada Jannada, uuna xiro albaabada Naarta. Waa bil uu Alaah (SWT) ugu magac daray irid ka mid ah albaabada Jannada, albaabkaasoo ay maalinta qiyaame ka soo geli doonaan dadka sooma.
Waa bil ku suntan midnimo iyo iskaashi Muslimiinta dhexdooda marta, sidaa darteed asxaabtii Rasuulka (scw) ee sharafta badnaa waxay ahaayeen kuwii si xiiso iyo farxad ku jirto ugu qaabila bisha Ramadaanka.
Aad ayeey u farxi jireen markay u dhalato bisha Soon, dhinaca kalena waxay jeclaan jireen inuu sannadkoo dhammi noqdo bil Ramadaan, si ay uga faa’ideystaan fadliga Soonka.
Ereyga Soon waa erey asal ahaan carabi ah, macnahiisuna waa hadal ka af-xirasho. Waxaana laga fahmi karaa oraahdii Alle (swt) uu ku lahaa Maryama Bintu Cimraan (cs):
“Waxaad tiraahdaa waxaan Allaha Raxmaanka ku nadray (sharday) inaan hadalka ka soomo oo cidina lama hadlayo maanta.” [Suuradda Maryama, 26]
Dhanka kale haddii aan ka fiirino macnaha xaqiiqada ay xanbaarsan tahay waa iyadoo laga af-xirto wax allaale wixii soonka buriya ee ficil iyo hadalba ah.
Qaybaha u qeybsamo Soonka
Soonku wuxuu u qaybsamaa labo qaybood, kuwaasoo kala ah mid faral (waajib) ah iyo mid Sunno ah. Soonka waajibka ah ayaa wuxuu u sii qaybsamaa ilaa saddex qaybood, waxayna kala yihiin:
Soonka bisha Ramadaan
Soonka kafaaro-gudka
Soonka sharadka (nadarka).
WD: Ibraahim Warsame