Bisha-casta Qadar oo howlo caafimaad ka billowday Soomaaliya

Ururka Bisha Cas ee Qadar oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka ee XFS ayaa howlo caafimaad ka billowday Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Howlahan caafimaad oo ah qalliinno lagu samaynayo dhegaha, sanka iyo dhuunta (ENT) ayaa socon doona muddo 15 Cisho ah, iyadoo ay ka faa’iideysan doonaan 200 qof.

Mashruucan oo ay ku baxayso lagac gaaraysa 150,023 kun oo dollar ayaa ujeedkiisu yahay in waddamada soo koraya laga caawiyo baahiyaha caafimaad ee ay qabaan si bilaasha ah.

Adeegyadan Caafimaad ee ay bixinayso Bisha Casta Qadar ayaa sidoo kale waxaa barbar socda tababaridda iyo qalabaynta Isbitaalka Martiini, si loo helo dhaqaatiir khibrad sare leh oo sii ambaqaadda shaqada mashruucan ka dib.