Billowga Ololaha Doorashooyinka ee Gobolka Banaadir: Talaabo Taariikhi ah oo lagu xoojinayo Maamulka hoose

Faallo ;Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u billaabay ololaha doorashooyinka deegaanka, iyadoo la diyaarinayo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lagu wado in la qabto 30-ka bisha November ee sanadkan.

Tallaabbadani waa mid taariikhi ah oo aan hore loo arag ku dhawaad nus Qarni, taas oo muujinaysa isbeddel weyn oo ku saabsan ka-qayb galka shacabka iyo xoojinta nidaamka maamulka hoose ee caasimadda Muqdisho iyo degmooyinka hoos yimaadda.

Doorashadan ayaa imaneysa kadib muddo dheer oo uu dalka ka jiray nidaam maamul dhexe ah, waxayna fursad cusub siisay shacabka Muqdisho in ay si toos ah u doortaan wakiilladooda golayaasha deegaanka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, taasoo calaamad u ah bisaylka iyo koboca nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Maalmahan la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday olole xooggan oo ay wadaan xisbiyada siyaasadeed, kuwaas oo si tartan ah ugu diyaar garoobaya doorashada, iyadoo sidoo kale la diiwaangeliyey kumannaan qof oo muwaaddiniin ah, kuwaas oo hore isugu qoray liiska codbixiyayaasha si ay uga qaybqaataan doorashada soo socota.

Dhinaca kale, Xisbiga Caddaaladda iyo Wada jirka (JSP) ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu u doortay Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Guddoomiyaha hadda ee Gobolka Banaadir in uu noqdo musharraxa rasmiga ah ee xisbiga u tartamaya xilka Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa Muqdish