BILAHA XURMADA LEH WAA AFARE OGOW (QEYBTA 1-AAD)

Bilaha xurmadalehi waa afar waxay kala yihiin: Rajab, Thul Qacdah, Thul Xajjah iyo Muxarram, waxaa reeban in dhexdooda la dagaallamo oo lays dilo.

Waxaa Ilaahay SWT xurmadaas ku sharciyeeyey Aayadda 36 ee Suuratul Al Tawbah, Aayaddaas  waxay leedahay:

“Bilaha tiradooda, Ilaahay agtiisa ahaaday 12 bilo ah weeyaan, Ilaahay agtiisana ahaadeen, maalin uu abuuray samaawaadka iyo dhulka. Waxaa bilahaas ka mid ah afar oo xurmo leh”.

Hadaba, halkaan xukun ayaa naloogu sheegayaa. Waqtigii jaahiliga, ee Islaannimada horteed ahaa, carabtu waxay ku isticmaali jirtay bilaha carabiga, oo bilaha lagu xisaabiyo markay bishu dhalato oo dayaxa la arko.

Kuma xisaabtami jirin bilaha iyo sanadka socodka qorraxda lagu xisaabiyo. Marka waxaa dhaceysey in bisha Xajku ay hadba xilli kale ku soo aaddo, oo mar ku beeganto xagaa, mar ay ku beeganto jiilaalka, mar ay ku beeganto gu’ga marna ay ku beeganto dayrta.

Carabtu waqtigii jaahiliga, markay ka foogaadeen Diintii Nabi Ibraahiim iyo Nabi Ismaaciil, Naxariistii Ilaahay dushooda ha ahaatee, qasadka wayn oo ay xajka u imaan jireen wuxuu ahaa ganacsi, oo waxayba ku magacaabi jireen Mawsimka.

Marka waxaa dhacaysey in mararka qaarkood uu xajkii ku beegmo xilli aan tijaarada ugu habboonayn, oo dadkii uusan badeeco haysan ama wax fiican oo ay suuqa keenaan ayan haysan.

Markaas ayay xisaabtankii ay bilaha sanadka ku xisaabinayeen dayaxa ka leexdeen, oo waxay u leexdeen inay bilaha sanadka ku tirsadaan qorraxda socodkeeda, oo ah tirsiga gaaladu tirsato oo afka qalaad lagu yiraahdo “Gregorian Calender”: markaas bishii xajku waxay ku beegmeysaa mar go’an iyo waqti keli ah oo la soo abbaaro.

Waxaa jirta in sanadka qorraxda lagu xisaabiyo iyo sanadka dayaxa lagu xisaabiyo, markii la isku tiriyo, inuu badan yahay midka qorraxda lagu xisaabiyo. Marka, muddo haddii la joogo, waxaa soo baxaysa bil dheraad ah.

Bil dheeraad ah markay soo baxdo, sanadkii marka waxay ku xisaabayaan 13 bilood, taasoo ah beddelaad xukunkii Ilaahay, Suxaanahu waTacaalaa, maxaa yeelay bilaha dayaxa lagu xisaabiyo arkaan sharci ah ayaa la xiriira, sida Xajka, soomidda Ramadaan oo xagga bisha ku tacalluqda, aanna fusuusha sanadka la xiriirin.

Waxaa kaleeto oo bilaha dayaxa lagu xisaabiyo la xiriira bilo xurmo leh, xurmo dheeraad ah leh: bilaha xurmada dheeraadka ah leh haddaan bil ahaan loo eegin, oo uun fusuusha keli ah la eego, ayaga naftoodii waa is beddelayaan.

Ayagoo ictiqaadsan xurmada bilahaas ay leeyihiin, hadana, kuwa ay yihiin xurmadaas kuma ilaalin jirin. Bilahaas afarta ah ee xurmada dheeriga ah leh dhexdooda dagaal iyo is dilid iyo xumi oo dhanba waa ka xaaraan: wixii xumi ah oo dhexdooda lagu sameeyo ciqaab dheeraad ah ayey leeyihiin, wixii wanaag ah oo dhexdooda lagu sameeyana ajar dheeraad ah ayay leeyihiin.

Marka, intaas aan soo sheegnay oo dhan ayaa takhriib ku imaanayaa, markii xisaabta bilaha qamariga ah ee bil ku dhalashada ah, sidooda aan loo dhawrin, oo lagu beddelo xisaabta bilaha socodka qorraxda lagu xisaabiyo.

Marka taas ayaa xukunkeeda Aayaddaan naloogu sheegayaa, oo Ilaahay SWT wuxuu leeyahaya:

“Tirada bilaha Ilaahay agtiisa ahaaday 12 bilo ah weeyaan. Waxaa ka mid ah bilahaas 12 ah, afar xurmo leh: Sidataal, Carrafo iyo Zako oo isku xiga iyo Rajab oo aan la xiriirin.

WD: Ibraahim Warsame Xuseen