Biden oo u hanjabay Ruushka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Russia keligeed ay qaadayso mas’uuliyadda dhimashada iyo burburka ka dhasha duullaanka ay Moscow ku qaadday dalka Ukraine.

Madaxeyne Biden ayaa boggiisa Twitterka kusoo qoray in Mareykanka iyo xulafadiisu ay kaga jawaabi doonaan si midnimo ah isla markaana deg deg ah duulaanka Moscow ee Ukraine, sidoo kale uu Adduunku tallaabo ka qaadi doono Russia.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii ay ciidamada Ruushka gudaha u galeen dhulka Ukraine, iyagoo duqeymo xooggan ka geystay magaalooyin ay ka mid tahay caasimadda Keyv.