Biden: Mareykanku wuxuu caawin doonaa Falastiiniyiinta ku sugan Qaza

WILMINGTON, DELAWARE - JULY 14: Democratic presidential candidate former Vice President Joe Biden speaks at the Chase Center July 14, 2020 in Wilmington, Delaware. Biden delivered remarks on his campaign's 'Build Back Better' clean energy economic plan. (Photo by Chip Somodevilla/Getty Images)

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa U sheegay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in Falastiiniyiinta ku sugan Qudus ay tahay in la ixtiraamo, isla markaana la fududeeyo in gargaarka bani’aadamnimo la gaarsiiyo Gaza, taas oo qeyb ka ah heshiiskii xabad joojinta ee lala galay Xamaas.

“ Waa lagama maarmaan in Falastiiniyiinta ku nool daanta Galbeed ay helaan amni iyo xasillooni,” ayuu Biden u sheegay Netanyahu mar ay wada hadleen 20-kii May.

Sidoo kale, madaxweynaha Mareynkanka ayaa kala hadlay Ra’iisal wasaaraha Israa’iil in la soo afjaro dagaalka Gaza.

Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid xilli uu Aqal cadkula kulmay Madaxweynaha Koofurta Kuuriya Moon Jae-in, kaas oo ay labadooduba ku balan qaadeen in ay iska kaashan doonaan xal ka gaarista dagaalka Gaza.