Waxaa ka dhacy kala orod ka dib markii amar ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir lagu sheegay in koofiyadaha marka laga reebo kuwa sunnada aan la xiran Karin taasna loo yeelay sababo ammaanka la xiriira .
Durba waxay qac ka yeertay dad u badan dhallinyaro iyo xitaa kuwo da’ dhexaad ah oo koofiyadaha nooca bareetooyinka loo yaqaano ee xarragada ku qarin jiray bidaarta ay leeyihiin oo iska dhigi jiray kuwo ku xarragoonaya.
“wallee Xamar wuxuu noqday bidaar wada dhalaalaysa .. wax la qariyaba waa la iskaga daba yimid oo la soo qarxiyey raggii bidaarta lahaa” ayey tiri Xaawo Cabdi Ismaaciil oo ku nool Muqdisho oo hadalkeedu u muuqday ku digasho.
Waxay sii raacisay “ qaarkood koofiyadaha maba dhigi jirin oo xitaa haddii ay seexanayaan wey ku seexan jireen laakiin haatan bidaartii waa waykac oo sida muraayadda ayey u bidhaameysaa “.
Raggan ka tisan bulshada madaxa bannaan haatan waxay qasab ugu soo biireen bulshadoodii bidaarta laheyd ee ay iska qarin jireen danta ayaana u run sheegtay oo ma jirto geed ay hoosta ka galaan oo bidaarta ku qarin karaan sida ay qabaan dad badan oo xifaaleeya raga madax bannaanka ah .
Maxamed Cali Xasan oo Doolli loo yaqaano waxaa uu ka tirsan yahay ragga madaxa bannaan laakiin muddo dheer ayuu koofiyadle ahaa taas oo uu ku qaatay naaneysta KOOFI, laakiin hadda amarkan wuxuu ku noqday mid kashifaad ku ah oo baray bulsho aan hore ugu tuhunsaneyn bidaar oo hadda leh “koofiyow , illeen madaxbannaanka ayaad xubin ka aheyd” taas oo isaga dhib ku noqotay kana soo gaabisay firfircoonidii uu ku lahaa dhinaca haasaawaha dumarka.
Amarkan dhibka ku ah madaxbannaaneyaasha ayaa sidoo kale dhiaato ku noqday dukaamadii lagu iibin jiray koofiyadaha xarragada oo haatan aan xabbad koofiyad ah laga iibsaneyn .
Waaa sidoo kale arrintan aad u dareemay urbajoogta ku sugan Muqdisho oo intooda badan qaawanaanta madaxa isaga qarin jiray koofiyadahaas xarrgada haatana u muuqda kuwo ka hanjabay baararkii ay ku xarragoon jireen .
Muqdisho waxaad is leedahay show bidaartaba wey ku badneyd marka aad eegto tan iyo markii la soo saaray amarkan waxaadna arkeysaa madaxbannaanyo is daba socda oo qaarkood xoog looga saarayo koofida.
Dhanka kale marka la eego arrintan waxay fursad u noqotay isbitaalada beerista timaha ee Muqdishu oo saf loo galay kuwaas oo haatan u muuqda in aanay dabooli Karin baahida timaha ee ragga madaxa bannaan.
Waxaa jiray ragga qaar ee madaxabannaan ama bidaarta leh oo aad moodo qaarkood in ay sii ogaayeen arrintan oosii tagay isbitaalada timo beerista intii lagu ,ashquulsanaa ciyaarihii maamul goboleedyada kana faa’ideysta inta aanu kor u kicinta qiimaha dhaqaatiirta timo beerista oo haatan cirka isku shareeray.
“Maalin walba rag aad u fara badan oo bidaar leh oo raba in timo loo beero ayaa noo yimaada laakiin liisaska aan heyno ayaa aad u fara badan waqtiguna wuu nagu yar yahay “ ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha isbitaalada timo beerista oo diiday in uu sheego sababta ay haatan kor ugu qaadeen qiimaha timo beerista marka loo eego bilk a hor sida uu ahaa.
Amarkan koofiyadaha oo keliya kuma koobna ee waxaa soo raaca af-xirka oo dadka qaar sababo aan la garaneyn weli u wataan iyadoo la soo dhaafay xilligii Covid-19 taas oo shaki badan dhalisay .
WQ:Maxamed Shiil Xasan