Beydhabo:Xarun laga hago diyaaradaha oo maanta xarigga laga jaray

Beydhabo- Madaxweynaha Dawlad-gobolleedka Koonfurgalbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga jaray xarun laga hirgaliyay garoonka diyaaradaha Magaalada Beydhabo oo loogu talagalay in laga hago diyaaradaha (Taawarka).

Madaxweynaha Dawlad-gobolleedka Koonfurgalbeed , Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa dhammeystirka dhismaha taawarka ku tilmaamay mid ka dhigaya hannaanka shaqo ee garoonka mid casri ah.

“ Horumarinta garoonkan waxay wax badan ku soo kordhinaysa deegaanka iyo guud ahaan Dalka, waxaan u mahadcelin cid walba oo dadaal galisay inan halkan soo gaarno.”

“ Waxaa inoo farxad ah in muddo ka dib taawarka dhismihiisa uu dhammaado , waxaan guda galeynaa wajiga labaad oo ah si casri ah in loo qalabeeyo , wuxuu yaalla qalabka Muqdisho si deg deg ah ayaana halkan loogu soo wareejin.” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Wasiirka ayaa inta ku daray in dhammeystirka mashruucan lagu horumarinayo garoonka diyaaradaha Baydhabo uu bilow u yahay tayeynta adeegyada Hawada ee garoomada Dalka oo midka Baydhabo uu ugu horreeyo.