Bekir Bozdağ oo loo magacaabay wasiirka cadaaladda dalka Turkiga

Madaxa Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka ee dalka Turkiga Bekir Bozdağ, ayaa loo magacaabay Wasiirka cusub ee Cadaaladda dalka Turkiga, ka dib markii Abdülhamit Gül uu gudbiyay istiqaaladiisa, sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay Faafinta Rasmiga ah.

“Waan iska casilay xilkii aan ka hayay wasaaradda cadaaladda, oo aan hayay tan iyo 19-kii July 2017,” ayuu Gül ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka

Bozdağ, oo ah qareen iyo siyaasi, wuxuu haystaa shahaadada koowaad ee jaamacadda kuliyadda fiqiga iyo shahaadada mastarka ee Machadka Sayniska Bulshada, Waaxda Taariikhda Diinta ee Jaamacadda Uludağ.Waxa uu sidoo kale shahaado jaamacadeed oo qaanuunka ka qaatay Jaamacadda Selçuk.

Bekir Bozdağ ayaa Wuxuu sidoo kale soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, wasiirkii cadaaladda iyo madaxii guddiga dastuurka 27aad ee sharci dejinta.