BEERASHADA CUDBIGA IYO BARIISKA AYAA DOOR WACAN KA QAADAN KARA DALKA

Dalka Soomaaliyeed waa dal hodon ku ah kheyraad badan uu Alle ku maneystay waa dal ku wanaagsan hirgalinta mashaariicyo horumarineed sidaTacbashada beeraha oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ee dhibanaha u noqday raashinka warshadeysan oo aan taya ahaantooda la isku haleen karin.

Tacbashada beeraha dalka aad ayuu muhiim ugu yahay dhaqaalaheena sababtoo dal walba waxa uu ku tiirsan yahay Tacbashada beeraha oo wixii Ka soo baxa ayaa la warshadeeyaa islamarkaana ayaga oo la ka kontroolay tayadooda, tariikhdooda iyo dhadhankooda oo ay muhiim tahay in bulshada laga kontoroolo taasina waxa ay yareeneysaa xanuunada dilaaga ah sida Cancerka iyo wixii la mid ah.

Jaamacadaha dalka ku yaala ayaa bilaabay bixinta culuumta beeraha oo ah culuum muhiim u ah bulshadeena Soomaaliyeed jiritaankooda waxaana ay sidoo kale culuumta beeraha bulshada wax badan Ka badashay hab fikirkooda beeraha ayaga oo ku dabaqaayo barashada ay soo barteen culuumta beeraha taasina waxa laga dareemayaa guud ahaan dalka.

Magaalada muqdisho ee caasimadda dalka waxaa aad ugu soo badanaayo dhalinyarada aqoon yahannada bartay kuna taqasusay cilmiga beeraha hirgalinta beero casri ah oo aan horay dalka looga aqoon ayaga oo sidoo kale dalka keenay dalagyo aan dalka Ka bixi jirin in ay dalka keenaan oo ay ku beeraan taasina waxa ay keentay in aqoonyahanadii ku taqasuusay beeraha ay dadka Soomaaliyeed ay jecleysiiyaan beeraha oo aad u soo badanaayo hirgalinta beero waa weyn.

Beerashada Bariiska oo inta badan lagu yaqaanay in uu Ka baxo Maamulka Hirshabeelle gaar ahaan magaalada jowhar oo aad looga tacbado bariiska ayaa door weyn Ka qaato in sicir bararka uu yaraado magaaladaas taasina waxa ay keentay In magaalada muqdisho laga hirgaliyo in lagu beero bariis.

Mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada muqdisho( Jaamacadda Jzeera ) Ayaa bilaabay    tijaabo inay kusameyso Bariis loo yaqaano (“NERICA”) kaas oo ku bixi karo  biyo yar sida Galleyda iyo Massagada oo loogu beero dhul roobaadka.

Tijaabadan waxay horseed u noqon doontaa meel kasta oo Gallay iyo Masaggo lagu tacbo in bariiska NERICA lagu tacbi karo marka laga eego dhanka biya yarida.

Hirgalinta mashruuca tijaabada beerista bariiska ee magaalada muqdisho waxa ay kaalin buuxda ka qaadan doontaa  horumarinta isku filnaansho cunto ee Soomaaliya.

Sidoo kale Hirgalinta beerista bariiska waxa ay kaalin weyn Ka qaadan doonaan yareenta sicir barar xooggan ee yimaada, isbadal dhaqaale, isku filnaasho dhankasta ah iyo shaqo la’aanta xooggan ee dalka Ka jirto ee ay heesto dhalinyarada Soomaaliyeed in ay meesha Ka baxdo.

Ugu danbeyn dalka keena Soomaaliyeed waxa uu u baahan yahay isku filnaasho dhaqaale taasina waxaa looga bixi karaa in lagu dhiirado in hirgalinta mashaariicyo waaweyn oo dhanka waxsoosaarka ah oo dalkeena dhaqaalihiisa wax weyn Ka badali karo dowladduna looga baahan yahay garab istaag iyo in ay Ka qeyb qaadato hirgalinta iyo kamiro dhalinta hormarinta dhaqaale ee dalka.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan