Beerashada baradhada ayaa ku fidday caalamka oo dhan waxaana hadda laga beeraa in ka badan 160 waddan oo adduunka ah.
Shiinaha ayaa lagu qiimeeyay inuu yahay soo saaraha ugu sarreeya wuxuu noqday soo saaraha ugu sarreeya) iyadoo 85 860 000 milyan metrik ton ay ka qayb qaadanayaan 23.3% wax soo saarka adduunka.
Shiinaha waxaa ku xiga Hindiya, dalka Ruushka, iyo Ukraine, Maraykanka ayaa ku jira booska shanaad beeridda baradhada iyo badeecooyinka baradhada ayaa ku sii kordheysa wadamada soo koraya.
Dalka Mareykanka, isticmaalka baradhada cusub ayaa hoos u dhacay sanadahii ugu dambaysay, halka isticmaalka baradhada la warshadeeyay uu koradhay 10kii sano ee la soo dhaafay.
Ku dhawaad kala badh baradhada laga soo saaro caalamka ayaa loo suuq geeya Aasiya,dadka ku nool qarabada aasiya ayaa lagu tiriyaa kuwa ugu adeegsiga badan baradhaha taaso ka dhigtay inay yahiin kuwa aad uxiiseyo cunista baradhada .
20kii sano ee la soo dhaafa meelaha beerashada baradhada ayaa hoos u dhacay Waqooyiga Ameerika, Yurub, iyo Midowgii Soofiyeeti ee hore.
Waddamada soo koraya oo ay ku jiraan kuwa Afrika, Aasiya, iyo Laatiin Ameerika waxa kordhay wax-soo-saarka baradhada ayaana labanlaabatay.
Aasiya, wax-soo-saarka baradhada ayaa si xawli ah u kordhaya sababtoo ah xiisaha sii kordhaya ee baradhada warshadaysan iyo isticmaalka quudinta xoolaha ee warshadaha xoolaha.
Waxaa jiray koror ku yimid wax-soo-saarka baradhada oo ah 4.5% sannadkii 10-kii sano ee la soo dhaafay.
Waqtigan xaadirka ah baradhadu waa khudradda ugu badan ee Maraykanka marka loo eego wax soo saarka, iibinta, iyo isticmaalka.
Dalka Maraykank, isticmaalka baradhada cusub ayaa hoos u dhacay 50%, halka isticmaalka baradhada la warshadeeyay uu koradhay ku dhawaad saddex-meelood laba.
Baradhadu waxay noqotay khudaartii ugu horreysay ee lagu beero meel bannaan bishii Oktoobar 1995, iyada oo ujeedadu ahayd in la quudiyo cirbixiyeennada inta lagu jiro safarrada dheer ee hawada sare.
WD: C/raxiim Abuukar Axmed