asiirka Cadaaladda XFS Mudane Xasan Macallin iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay barnaamij loogu talagalay u qareemidda maxaabiista qaameysan ee ku jira xabsiyada dalka.
Barnaamijkaan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaa ka qeybgalay dad muxsiniin ah oo ka kala socday Hormuud Foundation,Dahabshiil,bangiyada dalka iyo marti sharf kale.
Wasiirka Cadaaladda XFS Mudane Xasan Macallin oo ka hadlay barnaamijkaasi oo ahaa mid lagu taageeraayo dadka maxaabiista ah,ayaa yiri “Inaan ka shaqeyno xorriyadda dadka dhibaateysan waa arrin muqaddas ah.
Wasiirku waxa uu u mahadceliyay cid kadta oo ka shaqeysay barnaamijkaasi wax ku oolka ah ee lagu samafalayo dadka ku jira xabsiyada,gaar ahaan kuwa qaameysan ee aan awoodin in iska bixiyaan lacagaha deynta ah ee lagu soo dacweeyay.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Maxamed Xasan Xaamud oo sidoo kale ka hadlay barnaamijkaan ayaa yiri “Maxaabiista qaameysan waxay u baahan yihiin in loo gurmado” sidaasi waxaa yiri
Barnaamijkaan waxaa daadihinaaya maaamulka Wasaaradda Caddaaladda ,iyadoo sidoo kale ay kala qeybgaadanayaan culumada Soomaaliyeed.

