halay oo ay taariikhdu aheyd 31/10/2026-ka, ayaa waxaa si rasmi ah Isbitaalka Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud uga bilaabmay Ololihii indha-fiiqista, kaasi oo hore Bulshada loogu sii baahiyay.
Adeeggaan Indho-fiiqista ah waxaa fulinaya Dhaqaatiir Soomaaliyeed oo uu horkacayo Dr: Axmed Xalaal, sida uu Wakaaladda Wararaka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay Agaasimaha Isbitaalka Ceeldheer Cabdullaahi Cusmaan Xasan Xagaleey. “Adeegyada oo isugu jira Daaweyn iyo fiiqid, Bukaanadana loogu fulin doono si Mutadawacnimo ah ama lacag la’an”, ayuu sii raaciyay Agaasimaha Isbitaalka.
Ilaa iyo hadda oo ah maalinta labaad ee waxaa isa soo diiwaangaliya in ku dhow 500 Ruux, kuwaasi oo loo sameeynayo Fiisito, waxaana la filaayaa inuu howsha Qalliinada Indho-fiiqista ah bilowdaan Berri ama maalinta xiga. Adeegyada uu xilliyadaasi qabanaayo ayaa waxaa ka mid ah:-
Baaritaanka iyo qiimeynta caafimaadka indhaha.
Daaweynta cudurrada indhaha.
Fiiqid- (haddii ay tahay adeegga la qorsheeyay).
“Bukaanada Indho-fiiqista ah waxay Dhaqaatiirta u qorsheysan inay Indhaha u fiiqaan ilaa 300 Bukaan oo loo sameynayo Baaris, Daaweyn iyo Indho fiiqis”, ayuu yiri Agaasime Cabdullahi Cusman Xasan Xagaleey. Ololahan wuxuu rajo cusub u yahay Dadka qaba dhibaatooyinka Aragga, gaar ahaan kuwa u baahan Qalliinka Indhaha.
Muddo 21 sano ah kaddib, waxaa mar kale bulshada Degmada Ceeldheer iyo deegaannada ku xeeran fursad u helayaan adeeggan muhiimka ah ee caafimaadka Indhaha ah, kaasi oo adeeggan oo kale oo ah Indha-fiiqista ah uu Isbitaalka Degmada Ceeldheer ugu dambeysay sannadkii 2005-tii, xilligaas oo uu fulisa He’yad Talyaani aheyd (CISP), iyadoo ay howshaasi caafimaad qabanayeen Dhakhaatiir laga keenay dalka Kenya gaar ahaan Isbitaalka Kukuuyo Eye Hospital, waxaana ka faa’ideystay Bukaanna kor u dhaafayay 500 Qof.





