Baraziil :Taageerayaasha madaxweynihii hore oo weerarary goobo muhiim ah iyo boliiska oo qabtay tiro boqolaal ah

Booliiska Dalka Braasiil ayaa xabsiga dhiogay  in ka badan 300 oo qof,kadib markii taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalkaasi ay rabshado ka sameeyeen dhismayaasha baarlamaanka, madaxtooyada iyo maxkamada sare ee dalkaasi.

Boliiska ayaa sheegay in ay dib u soo celiyeen gacan ku heynta xarumaha muhiimka ah ee ay weerareen kumanaan ruux oo diidan inay aqbaleen guul-darradii doorashada looga adkaaday Jair Bolsonaro madaxweynihii hore.

Rabshadahaan oo socday muddo sadex saacadood ah ayaa la tilmaamay in ay la mid yihiin duulaankii Capitol-ka ee ka dhacay dalka Mareykanka,kaasoo taageerayaasha Donald Trumo ay ku diidanaayeen in ay ku burburiyaan dpprashooyinkii uu ku soo baxay Joe Biden.

Ma jiraan warar degdeg ah oo sheegaya dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarka Axaddii, laakiin kuwa soo duulay ayaa ka tagay raad burbur ah oo soo gaaray madaxtooyada iyo dhismayaal kale.

Kacdoonkaan ayaa muujinaya  kala fogaanshaha ba’an ee weli dalka ka jira maalmo ka dib markii uu xilka la wareegay Madaxweynihii bidix Luiz Inacio Lula da Silva, kaasoo si dirqi ah uga adkaaday Bolsonaro doorashadii Oktoobar.

Shir jaraa’id oo uu qabtay madaxweynaha cusub, wuxuu ku eedeeyay Bolsonaro inuu dhiirigelinayo rabshadaha ay wadaan kuwa uu ku tilmaamay “Fashiistayaasha xagjirka ah,” wuxuuna akhriyay wareegto cusub oo loogu talagalay dowladda federaalka inay gacanta ku dhigto ammaanka Brasilia.