BARASHADA GOBOLKA SHABEELLAHA DHEXE

Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa uu ka mid yahay Afarta Gobol ee ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya ee isku darsaday Bad iyo Wabi.

Waxa uuna qani ku yahay Kheyraadka Badda, Wax soo saarka Beeraha iyo Dhaqashada Xoolaha.

Waxaa intaas Gobolka Sh/Dhexe u sii dheer Ganacsiga iyo Warshadaha. Gobolku waxa uu nasiib u yeeshay inuu noqdo Gobolkii u horeeyay ee lagu beero dalaga Bariiska, lagana dhiso Warshadihii u horeeyay ee uu Dalku yeesho sida Warshada Sonkorta ee Jowhar 1962 iyo Warshada Dharka ee Balcad 1968.

Waxaa sidoo kale 1970-meeyadii laga dhisay Degmada Mahadaay Weyn Warshadii Sameynta Rasaasta iyo Hubka

Baaxada Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ah 60,000 km oo isku soo wareeg ah ayaa waxaa Dagaaladii Sokeeye ka hor Gobolka ku noolaa ummad tiradoodu ay aheyd 2 milyan.

Laakiin waqtiga hadda la jooggo(2016) ayaa waxa uu Maamulka Gobolka ku qiyaasaa in tirada Shacabka ku nool Gobolka ay gaarayaan 1.5 milyan, kuwaas oo 60% ay yihiin xoolo dhaqato iyo beeraley ku nool dhanka Baadiyaha.

Taariikhda Gobolka aad ayeey u fac dheer tahay, Waxyaabaha aad loogu lagu xasuusto Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka mid ah gumeysi naceybka sabab u noqday in Gobolka uu noqdo goobtii ugu horeysay ee lagu la dagaalamo Gumeystihii Talyaaniga, laguna dilo markii taariikhda Soomaaliya ugu horeysay dad shisheeye ah oo u dhashay dalka Talyaaniga, kuwaas oo sanadka markuu ahaa 1875 degmada Warshiikh kaga soo duulay dhinaca Xeebta.

Sidoo kale Ciidamo gumeysi doon Itoobiyaan ah oo ku soo duulay Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sanadku markuu ahaa 1905 ay la kulmeen jab iyo halaag, ka dib markii ciidamadooda weerark ahaa lagu jabiyey dagaal ka dhacay degmada Balcad oo waqtigaas loo yaqaaan magaca TEY-TEYLEEY.

Halyeeyadii Gumeysi Diidka ee af iyo addin kula dagaalay ciidamada gumeysiga ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed (Sh. Xasan Barsane) oo isaga hogaamiye u ahaa dagaaladii lagu jebiyay gumeysigii taliyaaniga iyo kuwii gumeysi isku dayga itoobiya shekhu waxa uu abaabulay ciidan kabadan 30,000 oo fardaley ah oo uu kula dagaalamay labadi dhan ee weerarka ku soo qaaday dhulka Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Sheekh Abiikar Xasan (Sh. Axmed Wacdiyow), Xasan Geedi Abtow iyo qaar kale oo aan halkaan lagu soo wada koobi karin. Waxaa iyadana xusid mudan in saddex Madaxweyne iyo laba Ra’isul Wasaare oo Dalka soo maray ay u dhasheen Gobolka Sh/Dexe.

Dhaqamo Hore

Xadaaradda iyo horumarka G/Shabeellaha Dhexe waxaa ka mid ah in ka hor Dagaalkii Labaad ee Aduunka uu Gobolku lahaa Tariin Xadiid ah oo isaga kala goosha magaalooyinka Xamar iyo Jowhar.

Dagaalada Sokeeye ka hor waxa uu Gobolku sidoo kale lahaa laba Naadi oo ka ciyaara Kooxaha Heerka Koowaad ee Dalka. Waana kooxdii Kubada Koleyga ee laga lahaa Warshada Dharka iyo Suufka ee Balcad(Somalitex) iyo kooxda kalee Kubada Cagta oo ay maalgelisay Warshada Sonkorta ee Jowhar(Snai).

Waqtigii madoobaa ee Dagaalada Sokeeye ay Dalka aafeyeen waxaa aad loogu faa’iiday Dekadihii macmalka ahaa ee Ceel-Macaan iyo Cadale iyo sidoo kale Garoomadii Dayaaradaha ee Cisaley iyo Jowhar.

Degmooyinka Gobolka

Jowhar

Jiliyaale

Balcad

Mahadaay Weyn

Cadale

Warshiikh

Raage Ceele

Ruun Nirgood

Aadan Yabaal

WQ: Garyaqaan Burhaan Macallin Xasan