Akhristeyaasha milgaha iyo muunadda lahow qeybihii ugu dambeeyay qormadan tixanaha ah waxaynu kaga soo hadalnay falka iyo jaadadkiisa, haatanna waxaynu faaqidaynaa tiir kale oo afka udub-dhexaad u ah, kaasoo ah xariiriye am isku dare.
Ugu horrayn waxaynu ka war-celinaynaa weydiinta ah waa maxay xariiriye?, waxaanan odhan karnaa waa xubin kamida qeybaha hadalka oo loo adeegsado isku xirka iyo kala baridda weedhaha dhaadheer ama ay ku jiraan tiro magacyo, falayaal, tilmaama badan,iyo is diidooyinku.
Sidaan sare ku soo tibaaxnay hawsha ugu mudan oo ay Xariiriyeyaashu qabtaani waa isku darka xubnaha kale duwan ee weedha, waxayna ka koobanyihiin dhowr qeybood oo ay ka mid yihiin: iyo, oo, na,ama, mise, amaba, balse, hayeeshee, si kastaba ha ahaatee, sidaa darteed, kaasoo/taasoo iyo iwm.
Haddii aynu eegno tusaalayaasha soo socda waxaynu arki karnaa sida ay Xariiriyeyaashu hadalka dhihid ahaan iyo dhigaal ahaanba lagama maarmaan ugu yihiin tus: cali (iyo) jaamac ayaa guriga jooga, guuleed (oo) xanuunsan ayaa yimid, faadumo waa dhaqtarad waxay-(na)ka hawl-gashaa xarun cusub, ma shaah baad cabaysaa (mise) maraq, maamulka ma wicin (balse) farriin baan u diray, wax-barasho ma helin (hayeeshee) waayo-aragnimo ayaan leeyahay iwm.
Laso qeybta xigta.
W/Q: Abwaan Hareeri