BARASHADA DHISMA-AFEEDKA (QEYBTII 3 -AAD)

Qeybtii 2-AAD ee qormada waxaanu kaga soo hadalnay magac uyaalada, anigoo u kala saarnay dhowr jaad oo aanu aynu hal laanoo kamid ah faahfaahinay, imminkana waxaynu ka hadli doonnaa xubnaha kale ee aynu soo guud marnay balse aynaan is dul-taagin.

MAGAC UYAAL LAHAANSHO: sida nuxurkiisaba laga dheehan karo erayga lahaansho wuxuu u taaganyahay wax uu qof leeyahay ama loo tiiriyay wax kale noole iyo ma noole midkay doonaanba ha ahaadeene, waana qurubyo gaagaaban oo inta badan magaca gadaal sida kayga, kaaga, kiisa, keeda, keena, kiina, iyo kooda.

haddaanu eegno tusaalayaasha soo socda, waxaanu arki karnaa in qodobkii raaci oo lagu ladhay lahaanshaha magac kasta xagga dambe looga daray: dhar+kayga: dharkayga, dal+kaaga: dalkaaga, guri+giisa: gurigiisa, qoys+keeda: qoyskeeda, carruur+teena: carruurteena, xoolo+hiina: xoolihiina, beero+hooda: beerohooda.

Magac uyaalka caynkan ihi kol kol buu madax-bannaane noqdaa oo eray ama qurub ka horeeya la xadhiidha qoraal ahaan gaar isku taagaa sida waxaan  leeyahay geel, waxaad leedahay doon, wuxuu leeyahay dukaan, waxay leedahay aqal wanaagsan, waxay leeyihiin dhaqaalo, waxaan leenahay dhul cosob ah, waxaad leedihiin gaadiid, iwm.

MAGAC UYAAL WEYDIIMEED: waa mid kamida jaadadka magac uyaalka ee madax-bannaan ama iskii isku taagi kara asagoon wax kale ku tiirsanayn, waxaana inta badan loo adeegsadaa weydiin ahaan sida kee(lab)?, tee(dhadig),  tuma(dhadig)?, kuwee(wadar lab iyo dhadigba noqan karta)?, kuma(lab), iwm.

MAGAC UYAAL TILMAAMEED: waa magac uyaal ka hadla wax lays tusayo ama laysku tilmaamayo, waxaana loo adeegsadaa qurubyada kala ah: kan, kaas, kii, kuwaan, kuwaas, kuwii, tan, taas, tii,  iwm.

MAGAC UYAAL NOQAD: waa magac uyaal muujinaya in yeelaha falka iyo layeeluba ay isku midyihiin, mana badna waa qurubka”IS” tusaale: cali baa is ammaanay, shukri baa is qurxisay, ninku asagaa is diley, wuu is illoobay iwm.

Inkastoo aan laysku raacsanayn waxaa jira magac uyaallo aan qeexnayn oo lab iyo dhedig waxay ku saabsanyihiin aan la garanayn, balse u noqda magac ka la soo xusay ama la  sheegi doono tusaale: dhammaantood, qaar, guud ahaan, iwm.

Lasoco qeybta xegta

WQ: Abwaan Hareeri