ganacsaigu wuxuu ka mid yahay xirfadaha barakaysan oo diinta ayaaba lagu sheegay, wuxuuna leeyahay Faa’iidooyin wax ku oola oo nolosha bulshada sare u qaada.
Ganacsigu waa mihnad horseeda is badal degdeg ah oo dhanka nolosha ah, wuxuuna kamid yahay tiirarka lama huraanka ah ee ay nolosha reer magaalku ku dhisantahay oo la’aantiis miyiga mooyee magaalooyinka si loogu dhaqnaadaahi way adagtahay.
Muhiimaddiisa iyo wax-tarkiisa markii laga soo tago ganacsigu waa awood ay samayntaydeedu dhinac walba sida qoraxda uga dhex muuqato, hurumarka bulshaduna ku xidhanyahay.
Shaqada dowladda iyo daqliga dalkuba ganacsiga ayay ku socdaan oo canshuuraha ayaa ah ilayska dhaqaale ee wadanka oo hay’adaha ayuu shidaal dhaqaajiya u yahay.
Isbadalka xowligaa oo ay magaalada dhismeheeda iyo horumarka bulshaduba ku socdaan ganacsiga ayaa hormuud u ah oo udub-dhaxaad iyo aas-aasba u ah.
Awoodda iyo saamaynta ganacsigu waa mid aan cidna ka dahsoonayn oo xitaa xilliyada adag waxaanu dowlad iyo shacabba u qayshannaa oo Alle ka sukow gacan siin ka dalbannaa ganacsata.
Waa xirfad si fudud noloshaada u bilaysa oo kaa dhigaysa taajir horumarinta naftiisa iyo guud ahaan dalkaba hormuud u ah, ixtiraam iyo maamuusna bulshada ku dhex leh.
Ganacsigu si dhaqso ah ayuu u bullaalaa balse xaaraanta iyo qiyaanada in laga dhowro ayuu ku barako iyo wax tar badanyahay ee xalaal miirte noqo haddaad mihnaddan galayso.
WQ: Abwaan Hareeri