Boqol qoys oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada xuddur ayaa helay deeq raashin ah oo ay soo uruuriyeen siyaasiyiin iyo ganacsato ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.
Deeqdaan Raashiinka oo ka kooban Bur Bariis Sonkor Saliid iyo Timir ,waxa isku soo dubariday kooox dhalinyaro ah oo isxilqaamay,iyadoo la lagaarsiiyey boqol qoys oo isugu jira barakacaal iyo luwo kale oo murugmaal ah.
Ciise Aadan Nuur guddoomiyaha gudiga isxilqaan iyo Cali Aadan Axmed oo guddiga ka mid ah ayaa sheegay in deeqdaan aysan dabooli Karin baahida ay qabaan dadka barakacayaasha ah,sidaa aawadeed,waxa uu dalbadan in iyadoo la eegayo bisha ramadaan la kordhiyo samofalka loo sameynayo qoysaska ku barakacay abaaraha.