Barakacayaal cusub oo soo gaaray duleedka Muqdisho

Qoysas badan oo barakacayaal ah ayaa ku soo jabay deegaanka Gubadleey  oo dhaca duleedka Magaalada Muqdisho.

Qoysaskaan ayaa latilmaamay in abaaraha ka jira dalka ay saameyn xoogan ku yesheen xoolihii lagama maarmaanka u ahaa  noolasha  dadkaasi.

Qaar kamid ah qoysaskaasi oo la hadlay warbaahinta Qranka ayaa sheegay in ay ka dhamaadeen Xoolihii aasaaska u ahaa noloshooda,isla markaana ay la kulmeen biyo la’aan iyo cunto la’aan.

Qoysaskaasi ayaa Codsaday in dowladda federaalka ,hey’adaha samofalka iyo shacbiga Soomaaliyeed ay la soo gaaraan  kaalmo bini’aadanimo oo wax ku ool ah.

Barakaca qoysaskaan ayaa loo aaneynayaa in ay dhaliyeen abaaraha daba dheeraaday ee ka yimid roobab la’aanta  mudada afarta sano ah ee ay ka jira dalka.